Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee maanta ayaa soo idlaaday iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay in la ansixiyay Habraacii muranku ka taagnaa ee wax ka bedelka Dastuurka.
Fadhiga ayaa waa xilli hore xaadiray dhammaan xildhibaannada wasiirada ah iyo taageerayaasha xukuumadda iyo Madaxweynaha, waxaana loo diiday saxaafadda madaxa bannaan inay tebiso kulanka.
Xildhibaanada Mucaaradka ayaa isku dayay inay hor istaagaan kulanka, iyagoo sheegay inuu sharci darro yahay, waxayna bilaabeen buuq, balse guddoonka labada aqal oo ay ka go’neyd in kulanka maanta qabsoomo ayaa cod u qaaday ajendaha maanta, isla markaana ku dhawaaqay natiijada.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyay Habraaca wax ka bedelka Dastuurka. Warbaahinta dowladda ayaa markii hore rebisay inay codeeyeen 180 Xildhibaan, halka ay diideen 30 kale, sidaasina uu ansax ku yahay.
Daqiiqado kadib Warbaahinta dowladda waxay mar kale tebisay inay Habraaca ogolaadeen 201 mudane oo ka mida labada gole, isla markaana Guddoonku aanu sheegin cid ka Aamuustay ama diiday.
Qoraal lagu baahiyey Baraha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Kooramka guud ee Golaha uu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo Aqalka Sare, iyadoo Habraaca ay ogolaatay 201 mudane, Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.
Kulanka kadib xildhibaanno saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in fadhiga maanta uu ahaa afduub wax kasoo baxayna aysan aqoonsaneyn, iyagoo guddoonka Baarlamaanka, gaar ahaan Sheekh Aadan Madoobe ku eedeeyay inay ka danbeeyeen wixii dhacay.
Kulanka ayey sheegeen inaan wax ajenda ah lagu ansixin ee iyadoo uu buuq socdo oo xildhibaanno ku dhow 20 ay hor taagan yihin in la furo fadhiga uu guddoomiye Aadan Madoobe cod qaaday.