Guddoonka Golaha shacabka ayaa guddi soo baara u saaray xayiraad ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia ay saareen xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo safar u ahayd Gobolka Gedo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qoraal uu saaray ku faray Guddiga Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka ay muddo toddobaad ah kusoo baaraan kiiskan oo ay warbixin ku keenaan Golaha xayiraadii ciidamada NISA saareen xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo laga soo celiyey Garoonka Muqdisho xilli ay kusii jeeday degaanka ay kasoo jeedo ee degmada Luuq, Gobolka Gedo.
Guddiga ayaa laga sugaya inay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Daleys Xasan Aadan u gudbiyaan Golaha, iyagoo la kulmaya madaxda iyo saraakiisha NISA, waxayna xildhibaannada qaar dalbadeen in lasoo Gole joojiyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji oo ciidamada hoostaga ay falkaasi kula kaceen xildhibaannada.
Xildhibaanad Daleys Xasan ayaa 25-kii Bisha Novembar Golaha Shacabka hor tagtay iyadoo u sheegtay in ciidamada NISA ee Garoonka Muqdisho ay kasoo celiyeen diyaarad ah raaci lahayd, iyadoo kusii jeeday gobolka Gedo.