Wednesday, February 19, 2025

Baarlamaanka Itoobiya oo laalay xaaladdii degdegga ahayd ee Milateri ee saarneyd Dalkaasi

Baarlamaanka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka sarnayd tan iyo bishii Maarso ee sanadkan oo mar labaad la cusbooneysiiyay kadib qalalaasihii ka dhacay degaanada Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Golaha wasiirrada ayaa isku raacay in la qaado xaaladdii degdega ahayd ee dalkaas la galiyay dibad baxyadii iyo Isbadalkii siyaasadeed ee dhacay ka dib, waxaana loo gudbiyey Baarlamaanka federaalka Itoobiya oo goor dhoweyd laalay xaaladii degdegga ahayd ee Itoobiya saarneyd.

Ra’iisul wasaarahii hore ee Itoobiya Haile Mariam Deselgn ayaa is calisay dhawaan, isaga oo sheegay in uu waddada u xaarayo in dalka ay ka dhacaan isbadallo siyaasadeed lana dhagaysto dalabka shacabka.

Ad

Itoobiya ayaa isbedello  siyaasadeed ee waaweyn ku dhaqaaqday kadib markii xilka Ra’iisal wasaaraha loo magacabaay ninka Oromada  ah ee Abiy Ahmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON