Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhoweyd lagu dhaariyey magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.
Xildhibaannada ayaa loo dhaariyey qeybo, waxaana markii danbe la sheegay inuu qofka ugu da’da weyn xildhibaannaada Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle uu noqday xildhibaan Maxamuud Siyaad Barkhadle, kaasoo si KMG ah loogu xulay guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la wareegay xilka, waxaana hakaasi kusoo dhammaaday shaqadii Guddiga Farsamada, iyadoo shir gaara uu u furmay Baarlamaanka cusub oo hadda kulankoodii ugu horeeyay u socdo.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inuu dhiso Gudddi Doorasho oo soo qabanqaabiya doorashada Guddoonkooda, iyadoo kadibna la dooran doono Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxweyne ku xigeenka.
