Kulan ay magaalada Jowhar maanta ku yeesheen Baarlamanka Hirshabelle ayaa lagu ansixiyay in muddo sanad ah la kordhiyo muddo xileedka Baarlamaanka maamulkaasi iyo Madaxweynaha.
Kulanka waxaa gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Cabdixakim Luqmaan Muxumed, waxaanloogu codeeyay wax ka bedelka muddo xileedka Hay’adaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, iyadoo la bedelay Qodobadda 33-aad iyo 50-aad ee Dastuurka Hirshabelle ee ku saabsna muddo xileedka Baarlamanka iyo Madaxtooyada.
Xldhibaannada Hirshabelele ayaa gacantaag ah ku ansixiyey in muddo xileedka Madaxtoyada iyo Baarlamaanka Hirshabelle oo hore ua haa 4 sano laga dhigo 5 sano. Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta 66 xildhibaan ay ogolaatay, waxaa diiday 3 xildhibaan waxaa ka aamusay 1, waxaana kulanka joogay 70 mudane.
Isbedelka ay muddo hal sano ah ku darsadeen Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sabab looga dhigay inay isku beegmeen Doorashada Federaalka iyo tan Hirshabele, laakiin xilligan lama oga inay xilliga ay qabsoomi doonto Doorashada Soomaaliya.

