Friday, May 23, 2025

Baarlamaanka Galmudug oo diiday in Gacantaag lagu doorto Musharixiinta Aqalka Sare (Lama filaan laga cabsi qabo..)

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xeer diidmo ah kasoo saaray musharixiinta Aqalka sare ee lagu wado in Beri lagu doorto magaalada Dhuusamareeb.

Habraac kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa musharixiinta u tartamaya xilalka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka loogu sheegay haddii ay dhacdo inuu musharax ka tanaasulo doorashada in musharaxa soo haray lagu dooran doono cod qarsoodi ah oo aysan jirin gacantaag.

“Hadii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo haddii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxweynaha markale”. ayaa ka mid habraaca doorashada Galmudug

Ad

Qodobkan adag ayaa meesha ka saaraya in si fudud codadka lagu siiyo musharaxiinta uu wato Madaxweynaha Galmudug Axmed Caabdi Kaariye oo musharaxnimada Aqalka Sare ka reebay musharixiin badan oo caan ahaa.

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa u badan xubno ku kacsan Madaxweyne Qoorqoor oo donaya inuu tartan dhaco ama codkoodu qiime yeesho.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu lama filaan ka dhaco doorashada Aqalka sare ee Galmudug oo xubno uuu wato Madaxweynaha Galmduug ay waayeen codad ama ay soo saaraan musharxiin aan la fileyn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON