Baarlamaanka Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeelanaya magaalada Jigjiga ee xarunta maamulkaasi, isagoo ka doodaya ansixinta saddex qodobo oo horyaalla.
Qodobada ugu waawayn ee ajendayaasha Baarlamaanka ayaa waxa ka mida talo soo jeedin ka timida madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ku saabsan wax ka bedelka calanka iyo astaanka maamulkaasi, iyadoo la qaadanayo Calan hore looga tegay oo ay ku asteysan tahay Xiddiga Calanka Somalia ee muujisa Somaliweyn.
Qodobadda ajendayaasha Baarlamaanka ayaa kala ah:
1. Ansixinta Afhayeenka iyo ku xigeenka baarlamaanka deegaanka.
2. Ansixinta gudoomiyaha iyo ku xigeenka maxkamadda guud ee deegaanka.
3. Ansixinta wax ka badalka astaanta calanka iyo magaca deegaanka.
Saddexdan Qodob ayaa ah tallaabooyin uu soo kordhiyey madaxweynaha cusub ee deegaanka Mustafe Muxumed Cumar.
MUUQAALKA CALANKA CUSUB