Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in maanta la dhaarinayo Baarlamaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle.
Xalay ayaa la magacabaay xildhibaanno cusub oo gaaraya lix, kadib 90 xildhibaan oo la shaaciyey 27-kii bishan, waxaana muddo toddobaad ah oo kaliya lagu soo xulay 96 xildhibaan oo ah Baarlamaanka Hirshabeelle.
Baarlamaankan loo sameeyay Hirshabeelle oo ay gacan weyn ku lahayd Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aysan wax door ah ku lahayn Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ayaa dooran doona Guddoonka Baarlamaanka, kadibna ay dooran doonaan Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.
Xilka Madaxweynaha ayaa loo wadaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulkaasi Cali C/llaahi Guudlaawe, isagoo taageero ka helaya Madaxtooyada Soomaaliya.
