Baadariyaasha Kirishtaanka ayaa madaxweynaha Mareykanka u sameeyay kulan ay ugu duceynayeen oo si qarsoodi ah uga dhacay aqalka Cad, iyadoo sawir laga soo qaaday lagu baahiyey baraha bulshada.
Kulankan diiniga ah oo Khamiistii ka dhacay Aqalka Cad ayaa waxaa barteeda Twitterka ku baahisay haweeney ka mida Baaderiyaashii ka qeyb galay kulanka, waxaana ka dhex muuqday sawirka Madaxweyne Trump oo dhexda uga jira tobanaan Baaderi oo u duceynaya, waxayna sheegeen inuu wax badan Madaxweyne Trump u qabtay dadka iyo dalka Mareykanka.
Ducada Baaderiyaasha ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyne Trump uu wajahayo Mooshin gole joojin ah oo lagu doonayo in xilka looga qaado, waxaana muuqaalka sawirkan si weyn loogu baahiyay Baraha Bulshada, iyadoo lagu sheegay in Ducada ay ahayd mid looga hortegayo Mooshinka ay Dimoqraadiyiintu ka wadaan, laguna habaarayo tallaabada ay ku cadaadinayaan Trump.
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu la kulmay hoggaamiyeyaasha diinta oo xafiiskiisa uu ku qaabilay, ayna u duceeyeen madaxweynaha iyo Dalka Mareykanka.
