Monday, February 10, 2025

Axmed Qooqoor: “Maamullo kale ayaan difaac u nahay oo aan ka hortaagan nahay Argagixisada..”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in Galmudug ay degaanno iyo maamullo kale ka hortaagan yihiin Alshabaab.

Qoorqoor oo khudbad uu jeediyey kula hadlayey ciidamada Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ee ku sugan difaacyada hore ee ku sugan degaanka Sinadhaqo ayuu caddeeyay inay diyaar u yihiin xoojinta iyo garab istaagga ciidamada.

“Anagu degaano iyo maamullo kale ayaan difaac u nahay oo aan ka hortaagan nahay Argagixisiada.. maaha Galmudug oo kaliya, maamulo ayaan ka hor taaganahay aan hubno haddii aanan hortaagneyn ay dhaqso ku gaari lahaayeen.. Annagaa ka hortaagan oo ka difaaceyna, cidna ugama rabno wax gaara…” ayuu Axmed Qoorqoor.

Ad

Madaxweynaha Galmudug ayaan carrabaabin maamullada ay ka hortaagan yihiin Alshabaab, waxaase farta lagu fiiqayaa inuu ula jeeday Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON