Sunday, April 27, 2025

Axmed Madoobe: “Walaalkay Mustaf waxaan ka wada hadalay iskaashiga labada Dowladood..”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa kulan easmi ah la yeeshay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay ka hadlay safarkiisa dalka Itoobiya, kadib muddo 6 sano ah oo xiriirkoodu xumaa ayuu qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu Madaxweyne Mustafe Cagjar kala hadlay iskaashiga labada dhinac iyo Amniga xuduudaha.

“Waxaan caawa kulan casho ah yeelanay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Walaalkay Mustaf Muxumed Cumar oo aan ka wada hadalay xaalada guud ee gobolka iyo iskaashiga labada Dowladood ee dhinacyada hormarka, Amniga Xuduudaha iyo khibrad wadaaga Hay’adaha kala duwan”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Ad

Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo ayaan ka talin Gobolka Gedo oo xuduud la leh Itoobiya, waxaana muddo dheer kala dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo keenay inuu maamulkiisa ka shaqeyn waayo Gobolkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON