Sii-hayaha wasiirka Warfaafinta iyo Gaadiidka maamulka Jubba ayaa xilalkii ka qaaday maareeyeyaashii Garoonka Diyaaradaha & Dekadda Magaalada Kismaayo Cabdullaahi Dhubad Shiil (Xadhuun) iyo Cabduqaadir C/llaahi Maxamed.
Wasiirka Cabdinuur Aadan Cali oo sii haye ah iyadoo aan xukuumad loo dhisin maamulka Axmed Madoobe muddo ku dhow 8 bilood ayaa sidoo kale agaasimeyaal u magacaabay labada ilood ee ugu weyn oo dhaqaalaha ka soo galo maamulka Jubba.
Maareeyaha Dekadda Kismaayo waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Aadan Guuleed, sidoo kale Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa isna loo magacaabay Cabdullaahi Aadan Jagadoon.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay xil ka qaadista labada mas’uul, siiba maareeyaha dekadda oo mug weyn ku lahaa maamulka muddo dheerna xilka hayay, iyadoo wararku sheegayaan in xilka qaadista uu sameeyay Axmed Madoobe balse wasiirka lagu saxiixay.
HOOS KA AKHRI WAREEGTOOYINKA XIL KA QAADISTA
Goobjooge.com