Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markii ugu horeysy tmaanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.
Wafdiga aAxmed Madoobe oo ka mid yihiin Wasiiradiisa Amniga, Maaliyadda, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada JabuutiMaxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.
Socdaalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa aha booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Saddex maalmood ah kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.
