Madaxweynaha Jubbaland ee dowladda Somalia aysan aqoonsaneyn Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Masuuliyiin iyo dadweyne, waxayna si wadajir ah ula hadleen saxaafadda. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay socdaalka Axmed Madoobe ay caddeyn u tahay iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada maamul.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay inay Puntland iyo Jubbaland ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqangalinta hanaanka Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, wuxuuna ku amaanay in Jubbaland lagu yaqaan inay ka shaqeyso midnimada Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka adag ee lagula jiro Argagixisada.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in mudo dheer kadib ay tahay markii ugu horaysay ee uu tago magaalada Boosaaso, isagoo sheegay inay amagaalada sameysay hormar la taaban karo, wuxuun.
Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan xoojinta xiriirkooda iyo iskaashiga arrimaha nabadgalyada iyo Federaalka.
Laba maamul ee Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda federaalka ayaa shir ka yeelan doona arrimaha xilligan taagan ee doorashooyinka, sharciga Batroolka iyo arrimaha federaalka oo ay si weyn uga hor yimaadeen.







