Saturday, April 26, 2025

Axmed Madoobe oo RW Rooble ku taageeray Eryida Wakiilkii Midowga Afrika Francisco Madeira

Francisco Madeira wuxuu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhammaaday ‘Farmaajo’ uu kusoo qaaday Jubaland

Jubaland ayaa si weyn u soo dhoweysay go’aanka ay ku tilmaantay masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, kadib markii dalka laga cayryay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay inuu Madeira ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Ad

“Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Jubbaland oo si weyn loogu weerarray Francisco Madeira.

Waxaay Jubbaland ku eedeysay Wakiilkii Midowga Afrika ee la eryay inuu,qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday ‘Farmaajo’ uu ku qaaday Jubaland, sidoo kale uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.

“Waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah” ayaa ka mid ahaa qoraalka Madaxweynaha Jubbaland.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayey sheegtay Jubbaland inuu wakiil uga yahay shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON