Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa magaalada Nairoobi kula kulmay wakiilka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya David Kaeuper, kulanka oo ka dhacay safaarada Mareykanka ee Nairobi.
Axmed Madoobe oo magaalada Nairobi ku sugan in ka badan toddobaad kadib markii dowladda Kenya ay latashi ugu yeertay ayaa dhinaca kale raadinaya taageero dalka Mareykanka oo wafdi u diray dhowaan magaalada Kismaayo.
Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay in looga hadlay taageeo Mareykanku siiyoMaamulka Axmed Madoobe ee dhinaca tababarada Ciidamada.
SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM