Muqdisho, 16, Maarso, 2021- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwadda Badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa dalka Kenya oo sheegtay qeyb ka mida Badda Somalia.
Qoraal uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Xukuumada iyo Shacabka Jubaland ay garab taagan yihiin, sidoo kalena rajo weyn ka qabaan inay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshaynayo badeena ay muranka galisay Kenya.
“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Axmed Madoobe ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen Baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Muqdisho.