Tuesday, October 3, 2023

Axmed Madoobe oo magacaabay Safiir u qaabilsan Dalka Kenya iyo Kaalintii DFS oo..

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wakiil arrimaba dibadda u qaabilsan oo safiir ahaan u howlgalaya u magacaabay dalka Kenya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwayne Axmed madoobe ayaa Sadiiq Cabdulahi Bogale loogu magacabay inuu noqdo wakiilka Jubbaland ee u fadhin doona dalka Kenya.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-  Dastuurka Dowladda Jubaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland, Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe.

Ad

Kenya ayaa si gaara u taageerta maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna arrintan ka dhigan tahay in Axmed Madoobe o hadda isbaheysi la leh Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaaday tallaabo barbar socota dowladda federaalka oo ka mas’uula arrimaha dibadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!