Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo oo gacantiisa ka maqnaa muddo dheer.
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Jubbaland ayaa maamul ka kooban 5 xubnood oo ka kooban Guddoomiy iyo 4 ku xigeen loogu magacaabay Gobolka Gedo, iyadoo magacaabiddan ay timid kadib shirar ka dhacay Muqdisho.
Xubnaha maamulka Gedo ee la magacaabay ayaa kala ah:
1- Â Cabdullaahi Cabdi Jaamac, Guddoomiye
2- Cusmaan Nuux Xaaji (Macalimuu), kuxigeenka amniga iyo siyaasadda
3- Nasteex Axmed Saalax, kuxigeenka maaliyadda gobolka Gedo loo magacaabay
4- Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada
5- Maxamed Xuseen Isaaq (G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha
Guddoomiyaha xilligan ee Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed ayaa si weyn u diidan inuu maamulkan ka shaqeeyo Gobolka Gedo, waxaana xubnaha la magacaaabay ku jira ku xigeenkiisa ku dhowaa Nasteex Axmed.