Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kadib doorasho muran badan dhalisay oo ka dhacday magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ee isna dib loo doortay ayaa ku dhawaaqay inuu Axmed Madoobe helay 55 Cod oo ka mida 75-ka xildhibaan ee Jubbaland, isagoo wareegii hore helay codad aqlabiyad leh.
Axmed Madoobe ayaa markii Afraad noqonaya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay Doorashada Kismaayo, isla markaana aysan aqoon doonin wixii kasoo baxa.