Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo muddo 10 maalmood ah ku sugnaa Muqdisho ayaa Galabta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inuu guul ku soo dhamaaday dhammaaday socdaalkiisii Caasimada Soomaaliya.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu Muqdisho u tegay wadahadal la xiriiia sidii loo dhammeyn lahaa Khilaafka kala dhaxeeyay dowladda Somalia, ayna booqashadiisa jawaab u ahaydsSafarkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Kismaayo.
Wuxuu caddeeyay in wadahadallo dheer ay dhex mareen madaxa dowaldda federaalka, ayna si fiican ay kusoo dhammaadeen, iyadoo booqashadiisa ku tilmaamay mid Tariikhi ah, wuxuuse intaas raaciyey in dhinacyada ay saaran tahay masuuliyad ah sidii wixii lagu balamay loo dhaqangelin lahaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa wax war ah kasoo saarin heshiiska ay la gaartay Axmed Madoobe, iyadoo muddo dheer ay qaadatay in waanwaantii labada dhinac.



