Sunday, April 27, 2025

Axmed Madoobe oo kashifay Qorshaha uu diiday ee kala Qeybsiga Xildhibaannada Gedo

Madaxweynaha Jubbaland: Shan Sano kadib waxaan mareynaa in la kala garan waayo ciidamadii dowladda iyo Alshabaab..!

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kashifay Qorshe uu diiday oo ku saabsan sidii heshiis looga gaari lahaa Doorashada kuraasta la isku heysto ee taalla Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo xalay la hadlayay xildhibaanada labada aqal ee federaalka oo lagu soo doortay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay wakiilada Beesha Caalamka ula yimaadeen in isaga iyo Farmaajo loo kala qeybiyo xildhibaannada Gobolka Gedo, taasina aysan macquul ahayn oo wax kala dhaxeeya aanu jirin.

Ad

Wuxuu ku dooday in inta ay maqany ihiin kuraasta 16-ka ah ee Gobolka Gedo aanay dhammaan karin doorashada Dalka, isagoo sheegay in doorashadii 2016 uu hal kursi oo la isku qabtay dartiis uu ugu yeertay inay dib u soo noqdaan xildhibaannadii kasoo baxay Jubbaland, haddana aanu aqbali doonin in 16-ka Kursi ee Gedo laga gudbo.

Axmed Madoobe oo aan dhinaca kale looga baran kuraas si furan loogu tartamo ayaa markan sheegay inuu doonayo in kuraasta harsan ee Gobolka Gedo Doorashadooda ay u dhacdo qaab caddaalad ah iyo tartan furan, iyadoo ciddii rabto ay isu soo sharaxdo, xitaa haddii kursi kasta 10 musharax ku tartamayaan. 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa eedeyn kulul u jeediyey Dowladii uu hoggaaminayey Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay inay dalka geystay meeshii ugu liidatay, wuxuuna si cad u sheegay in xilligan la kala garan la’ yahay Alshabaab iyo Ciidankii dowladda.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON