Friday, March 21, 2025

Axmed Madoobe oo kashifay Arrin ka dhacday Shirkii Dhuusamareb 3 “Hal sano ayaa dhufeys ugu jiray Dowlada”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kashifay arrin ka dhacday shirkii Dhuusamareeb III, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey dagaalkii dhinacyada badnaa ee ay dowladda Federaalka ku qaaday Maamulkiisa markii dib loo doortay sanadkii hore.

Axmed Madoobe oo maanta khudbad u jeediyay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa sheegay in Shirkii Dhuusmaareeb 3 lasoo xiray markii la ogaaday inay ka qeyb galayaan isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, ujeedkuna ahaa inuu si degdeg shirkaasi lagu soo afjaro.

Wuxu kashifay markii ay isugu tageen magaalada Garowe iyo Madaxweyne Farmaajo codsi u soo diray isagoo doonaya inuu ugu tago magaalada Garowe, ayna ka diideen, ayna go’aansadeen inay Muqdisho tagaan oo la isugu wada yimaado.

Ad

Isagoo ka hadlayey Heshiiskii Doorashada ee lagu gaaray Dhuusmaareeb ayuu sheegay in si degdeg loo qoray oo khaladaad badanna uu ku jiray iyo degdeg, balse wuxuu sheegay inay hadda ka shaqeynayaan sidii heshiis loo dhan yahay u dhici lahaa.

Axmed Madoobe ayaa sheegtay inuu isagu ahaa ninkii ku qasbay Madaxweyne Farmaajo inuu shirka Muqdisho ka dhigo mid loo dhan yahay, si aysan arrintu ugu muuqan in saddex nin oo isku reer ah ay shirayaan.

Mar uu ka hadlayey Doorashadii uu kusoo baxay ee Jubbaland ayuu caddeeyay inuu muddo hal sano ah dhufeys ugu jiray dowladda Federaalka si uu isaga celiyo dagaalka ay ku waday oo marba ay dad u direysay.

- Advertisement -

”Magaalada Muqdisho waxaa iigu dambeysay doorashadii ka hor intii ka dambeysay dhufeys baan ku jiray oo waxaan is lahaa bal dowladda iyo cidii kuu timaado oo ee dowladda kuusoo dirto iska celi, adigana is giiji.. waad garan kartaan inaan sanad kadib Muqdisho imaado… marna ma diidin Dowlad Soomaaliyeed, ma diidin wixii ay sharci u leedahay dowladda inay qaadato..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ku dooday inay dhab ka tahay Soomaalinimada ee aysan ka ahayn sheegasho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON