Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si kulul u weerarray, isla markaana go’aano ku soo rogay Hay’adaha samafalka ee ka howlgala degaanada maamulkiisa.
Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay in hay’adaha samagalka ee ka howgalo degaanada maamulkiisa ay bixiyaan warbixino been abuur ah oo ay ku sheegayaan inay mashaariic ka fuliyeen degaanada Jubbaland, isagoo dalbaday in maamulkiisa uu kaalin ku yeesho, kana qeyb qaato mashruuc kasta oo laga fulinayo Jubaland.
Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo kadib kulan uu la yeeshay wakiilada Hay’adaha samafalkaayuu sheegay im hay’adaha ka in laga doonayo in degaanada maamulkiisa isaga baxaan hay`addaha uu ku eedeeyay inay caadeysteen fulinta mashruucyda beenta ah sida uu yiri.
Axmed Madoobe ayaa ku dooday in dadka ku tabaaleysan degaanada maamulka Jubbaland ay noqdeen kuwoo lagu qaraabto magacooda, taasoo aaanu ogolaan doonin wixii xilligaan ka dambeeya.
Wuxuu Hay’adaha samafalka ugu baaqay inay ogolaadaan sila xisaabtan si oo la ogaado waxa ay qabanayaan iyo xaqiiqada mashruucyada ay sheegteen inay fuliyaan.