Monday, February 10, 2025

Axmed Madoobe oo degdeg ugu laabtay Kismaayo & Qoorqoor oo Nairobi u aaday kulan qarsoodi ah..

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam ayaa degdeg ugu laabtay magaalada Kismaayo, iyadoo la filayey inuu ka qey galo shirka Dhammeystirka Heshiiska Doorashada ee Muqdisho ee Berri loo balansanaa inuu furmo.

Safarka degdega ah ee Axmed Madoobe ayaa la xiriira ka qeybgalka Aaska Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo maanta ku Geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qarax Ismiidaamin ahaa oo lagula beegsaday Masjid ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa isna safar lama filaan ah ugu dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo aan faahfaahin laga bixin socdaalkiisa laguna sheegay mid shaqsi ah oo ku saabsan kulamo uu la yeelanayo Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Guuleed iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Ad

Iyadoo laba madaxweyne oo ka mida maamul Goboleedyada ay xaalado kala duwan uga dhoofeen Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa inuu mar kale dib u dhaco shirka ay Madaxtooyada Soomaaliya shaacisay inuu furmayo Berri oo ku beegan 12-ka September 2020.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON