Tuesday, November 5, 2024

Axmed Madoobe oo Dacwad ka dhan ah Dowlada Somalia u gudbiyey Safiirka UK. [Sawirro]

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender, isagoo u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka.

Kulanka labada dhinac kadib ayey saxaafadda la hadleen, wuxuuna Danjire Ben Fender sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe ay ka wadahadleen dagaalka ka dhanka ah Alshababa iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta taageerada UK ay siiso Soomaaliya siiba xilligan laga cabsi qaabo Abaaraha. Wuxuu kaloo safiirka UK sheegay inuu rajeynayo in Doorashada maamulka Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro gelin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha ay arkaana uu la wadaagay. Waxaa uu intaas ku daray dagaalka Al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Ad

Axmed Madoobe ayaa caddeyay in safiirka us heegeen dowlada Federaalka oo wada abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada oo ay Xamar kasoo abaabulayso shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay inay amni darro ka ridaan Jubbaland, iagoo Bulshada Caalamka iyo Safiirka UK la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Image may contain: 2 people, people sitting and table
Image may contain: 2 people, people smiling
Image may contain: 3 people, people smiling, suit

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON