Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa soo saaray Liiska Musharixiinta 4 Kursi oo ka mida 8-da kursi ee Aqalka Sare, lagana soo doorto Jubbaland.
Musharixiinta uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa waxaa ka dhex muuqda saaxiibadii hore uga tirsanaa Aqalka Sare, waxaana kursi waliba ku tartamaya 2 musharax, marka laga reebo hal kursi oo saddex musharax ay ku loolamayaan.
Axmed Madoobe ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamul Goboleedyada oo soo saara liis mushariixin u taagan Aqalka sare, waxaana lagu wadaa in doorashadii ugu horeysay ee Aqalka sare ay ka bilaabato magaalada Kismaayo.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA
1- Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
iyo Axmed Maxamed Jaamac.
2- Xaliimo Jaamac Maxamed
iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
3- Ilyaas Badal Gaboose,
Maxamed Axmed Sayid
iyo Sharma’arke Maxamed Cabdi
4- Ibraahim Yacquub Ismaaciil
iyo Iftin Xasan Iimaan.
