Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland oo maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn ayaa ansixiyay Wax-ka-bedel cusub oo lagu sameeyay Dastuurka maamulkaasi, iyadoo muddo kordhin loo sameeyay Axmed Madoobe, isla markaana si aan la xididin loo furay inuu xilka iska heyn karo.
Fadhiga oo uu guddoominayay Gudoomiyaha Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa la sheegay inay xaadireen 68 mudane, waxayna Xildhibannada ayaa u coddeeyeen ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka Jubbaland.
Qodobada waxkabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka Jubbaland waxaa kamid ah qodobka 70-aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray waxaana loo guuray qodobka 65-aad kaasoo dhigaya in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, oo uu horay Baarlamaanku uga soo shaqeeyay, sido kale u tartanka xilka Madaxweynahana ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.
Arrintan ayaa Axmed Madoobe ka dhigeysa inuu xilka maamulkaasi markii 4-aad kusoo laaban karo, isla markaana u tartami maro intii uu doono iyadoo aan muddo xil heyn jirin.
Bishii Ogost 2022 ayey ahayd markii sidan oo kale Baarlamaanka Jubbaland isbedel ku sameeyay qodobadii Dastuurka ee muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland iyadoo markaas laga dhigay 5 sano, halkii uu ka ahaa 4 bilood.