Wasiirkii is-casilay ee Amniga Galmudug ayaa faafhaahin ka bixiyey xaaladda cakiran Galmudug iyo sababihii keenay inuu xilka iska casilo.
Shir jaraa’id oo uu Galabta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inay maamulka Galmudug u tageen gurmad , kadib markii ay ka dhacday doorasho awood la isu adeegsaday iyo khilaaf baahsan, haddana uu isu casilay abaabulka colaadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.
Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoorqoor kula ballameen inay Galmudug nooqn maamul fadhiid ah oo mar kasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrintaasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweynaha. Wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuqda gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Alshabaab.
Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoorqoor inuu dagaalka Alshabaab ku fiirsaday dadka Galmudug, siiba Ahlu suna. “Waxaan isku dayey inaan ku qanciyo inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirro, wuxuuna sheegay inay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay Dhuusamareeb ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, Waxaa Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna Farxaan Qaroole..” ayuu yiri Axmed Fiqi.
Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu la hadlay hoggaamiyaha Ahu suna Macalin Maxamuud, isaguna uu furaha u dhiibay si uu wadahadalka u wado, una sheegay in dad u direen Madaxweyne Qoorqoor, uuna ku gacan seyray. Wuxuu intaas ku daray inuu isagu ballanqaaday inuu tago Guriceel oo war ka keeno, laakiin arrintasi uu ku gacan seyray Qoorqoor.
“Waxaa shaki weyn nagu abuuray in Guriceel la weerarro iyadoo ay Alshabaab Dhuusamareeeb u jirto 20 KM.. waxaan fahmi weynay in madaxweynihii Galmudug uu dhiig daadinteeda ka shaqeeyo. Mashruuc Doorasho ayaa galay Guriceel” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu sheegay in dagaalka xilligan ee lagu soo aadiyey Doorashooyinka uu yahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi cusub oo hore u fashilmay loogu shaqeynayo Farmaajo.
“Taliye Odawaa markii Al-Shabab aan la dagaalameynay ciidamo ma idin hayo ayuu dhahay, hadeerna Ciidamo ayuu ku daabulayaa Dhuusamareeb, si Ahlu sunna ay ula dagaalaan’’. ayuu yiri Axmed Fiqi oo ugu baaqay taliyaha ciidamada Booliska G/banaadir Farxaan Qaroole inuusan eed cusub ka gelin dadka Galmudug.
Wuxuu kalooo Madaxweyne Qoorqoor kula taliyey inuusan dagaal iyo barakac u horseedin dadkiisa oo xilka iska casilo oo Muqdisho isaga soo laabto, haddii kale Baarlamaanka Galmudug ayuu ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan Qoorqoor haddii uu kusii socdo qorsihiisa dagaal.
Dadka Guriceel ayuu ugu baaqay inay difaacdaan Sheekhooda (Sheekh Axmed Shaakir), isagoo u sheegay in waxa loo socdo aysan ahayn Ahlu Suna ee ay tahay qorshe Doorasho.