Thursday, April 24, 2025

AWDHEEGLE: Alshabaab oo sheegatay inay Askar badan ku laayeen Qaraxyo Is-miidaamin ah..

War goor dhoweyd kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in tobanaan askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya lagu dilay qaraxyo lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen degmada Awdheegle oo dhowaan ay qabsadeen.

War degdeg ahaa oo kasoo baxay taliska Alshabaab ayaa lagu sheegay in weeraradan loo adeegsaday laba Gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay, ayna wadeen is-miidaamiyeyaal, iyadoo Gaariga koowaad lagu beegsaday iridka saldhigga, kdibma gaariga labaad uu gudaha u galay saldhigg daqiiqado kadib, halkaasina ay ku dileen tobanaan askari. Wararka qaar ayey Alshabaab ku sheegteen inay dib ula wareegeen degmada Awdheegle.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Sh/Hoose, waxaana saraakiisha qaarkeed laag soo xigtay inay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday ciidamada ku sugan Awdheegle.

Ad

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON