Monday, October 2, 2023

ATMIS oo shaacisay Qaabka ay u taageereyso Ciidamada DF ee dagaalka kula jira Alshabaab

Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo bandhigay sida ay uga qeyb qaadaneyso dagaalka ay ciidamadad owladda Soomaaliya kula jiraan Alshabaab ee ka socda Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Kadib jawaabo kulul oo laga bixiyey War-saxaafadeed ay ku shaacisay inay ku faraxsan tahay ATMIS ka qeyb ka qaadaha dadagaallada ciidamadad owladda kula jiraan Alshabaab, ayaa bogga Baraha bulshada ee ATMIS lagu shaaciyey howgallada ATMIS iyo kaalintooda.

Muuqaal kooban oo muujinaya Helikobtar ay leedahay AMISOM oo goobaha dagaalka looga qaadayo dhaawacyada ciidama dowladda, gurmad caafimaad ayey faafisay ATMIS, iyadoo sheegay inay Cirka iyo Dhulka ka taageertay ciidamada dowladda.

Ad

“Wajiga labaad ee weerarrada ay ciidamadu ku qaadeen Gobollada Hiiraan iyo Galguduud, ATMIS waxay ciidmaada dowladda ku taageertay Saadka, Cirka iyo dhulka si ay gacan uga geysato xoreynta magaalooyinka ayaa lagu yiri Warka ATMIS.

“Inta lagu guda jiro howlgallada is daba joogga ah ee duullaanka ah ATMIS waxay taageero dhanka cirka ah u fidineysaa ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dhulka si ay gacan uga geystaan weerarrada ka dhanka ah fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab”

ATMIS aya sheegtay in Qorsheynta iyo isku dubaridka wadajirka ah ee ay wadaan taliyayaasha ciidamada XDS iyo kuwa ATMIS ayaa sababeen in la xoreeyo deegaanada Aboorey, Yasooman, Booco, Sindhaqo iyo deegaano kale, isla markaana Argagixisada dib loo riixay, ayna hadda yihiin baxsad.

https://pbs.twimg.com/media/FdYKF0FWABAdxL9?format=jpg&name=small
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!