Saturday, October 12, 2024

ATMIS oo shaacisay in Alshabaab laga saaray Degaan ay muddo Bil ah ku jireen

Ciidmaada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaciyay xalay in howlgal wadajir ah oo ay wada fuliyeen ATMIS, ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka degaanka looga saaray Al-Shabaab keymaha degaanka Cali Fooldheere. degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa lagu caddeeyay in howlgalkan oo ay ka qeyb galeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, qasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Alshabaab.

Dagaal saf ballaaran ah oo dhulka iyo madaafiic ah ayaa lagu qaaday kooxda Alshabaab ee dhufeysyada ka sameysatay degaanaasi, iyadoo lasoo gaba gabeeyey Axaddii 1-da October, lwaxaana Alshabaab laga sifeeyay kaymaha Cali Fooldheere.

Ad

Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa sheegay in Kaymaha degaanka Cali Fooldheere ay sanadihii la soo dhaafay noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay Alshabaab ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa sidoo kale u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee howlgalka ku guuleystay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska ciidamada Xoogga dalka oo ku saabsan howlgalka ATMIS shaacisay in Alshabaab looga saaray degaanka Keymaha Ciidciidka ee Cali Fooldheere.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON