Saturday, January 25, 2025

Askartii ugu badnaa ee Ciidamada Yuhuudda oo hal maalin lagu dilay Marinka Gaza

Israa’iil ayaa qiratay in askartii ugu badneyd hal maalin looga dilay Marinka Gaza, kadib Shirqool loo dhigay askartan xaafadda Shujaaciya ee Marinka Gaza.

10 askari ayaa lagu dilay saddex weerar oo ka dhacay Gaza, gaar ahaan waxaa xaafada Shujaaciya lagu dilay ilaa 9 Askari oo ay ku jiraan Korneyl iyo saraakiil sare, waxayna shalay u ahayd ciidamada Yuhuudda ee ka dagaalamaya Gaza, maalin adag oo dagaal xun qabsaday.

Shirqoolka loo dhigay askarta Yuhuudda ee ku sugnaa xaafadda Shujaaciya ayaa waxaa u gudmaday Askar kale oo ka tirsan ciidamada injineerada dagaalka, kuwaas oo iyaguna uu weerar qabsaday, markii dagaal qaraar uu qabsaday waqooyiga Marinka Gaza.

Ad

Afar askari oo kale ayaa si ba’an ugu dhaawacmay dagaallka 24-ka saac ka dhacay Gaza, halka saddex kalena waa lagu dhaawacay iska horimaadyo kale oo a ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan marinka Qaza.

Askarta Yuhuudda looga dilay Xaafadda Shujaaciye ayaa la kulmay weerar gaadmo ah oo ku billowday markii Dagaalyahannada Xamaas ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan ciidamada Golani, kuwaas oo markii ay ku soo dhawaadeen dhismiha weerarku ka dhacay rasaas lagu furay.

Kadibwaxaa bilaabatay rasaas xoogan, waxaana xigay bambaanooyinka gacanta laga tuuro. Afar ka mid ah askarta ayaa ku dhaawacantay, iyagoo la waayey, kadinbna in la afuubto, basle ciidamo gurmad ah oo laba jeer dagaal qaraar goobta ku galay oo dib u soo furtay ciidamadii Yuhuudda laga afduubtay, iyadoo ay taageerayaan Diyaarado iyo Madaafiic.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON