Tuesday, December 3, 2024

Askarta Amniga noo qaabilsan maxaan kala soconaa xaalka ay ku sugan yihiin [Qormo Xaqiiqo ah]

-

- Advertisement -

Marka shaqaalaha rayidku u qaataan Mushaar ahaan $400—$700, Askarigu wuxuu qaataa $100—$150.

Marka Shaqaalaha rayidka udalacaan sifudud askariga wuxuu sugtaa xiliga doorashada in xildhibaankiisa kursi ugu raadsado anigaa keenay dalacaada ee karti iyo daacad nimadiisa kuma dalaco.

Marka Shaqaalaha rayidku haystaan ammaan shaqo (Job Security), Askariga Soomaaliyeed ma haysto oo sifudud ayaa liiska ciidanka looga saaraa.

Marka Shaqaalaha rayidka ay galaan fasax iyo damaashaad sida maalmaha Ciida Askarigu mahelo fasax si uu caruurtiisa iyo qoyskiisa ula ciido.

- Advertisement -

Marka Shaqaalaha rayidka Iyo Mas’uuliyiinta u hoydaan guryahooda kuna seexdaan sariiro iyo joodariyaal raaxa badan Askariga Soomaaliyeed wuxuu kujiiftaa salli (dirin) wadada dhinaceeda.

Marka Shaqaalaha Rayidku Shaqeeyaan 8 saacadood maalinti, Askarigu wuxuu shaqeeyaa 24 saacadood.

Marka Shaqaalaha rayidku meel haboon (Qabow ah) ku shaqeeyaan, Askarigu wuxuu taagan yahay waddo iyo meel banaan oo aan har laheyn qoraxduna aad u kulushahay siigana (boor) na udheertahay.

Marka Shaqaalaha rayidku lajoogaan reerahooda askariga Waxaa lageeyaa furun howd ah uusan horay ugaraneyn cuduro, bahallo iyo cadowna udheeryahay si uu dalka Iyo dadka udifaaco.

Marka Shaqaalaha Rayidku ku waxyeeloobo weerar ka dhan ah (Qarax) Dowladdu wey u gurmataa, Askariga difaacaaga ku dhaawacmana reer kiisa ayuu maciinsadaa

Marka Shaqaalaha rayidku qurux badan yihiin (Labis ahaan), Askariga Soomaaliyeed wuxuu wataa labis markii horaba Ka weynaa, haddana dhamaad ah oo aan badal laheyn

- Advertisement -

Marka Masuulka Soomaaliyeed (Wasiir, Xildhibaan, Taliye Ciidan iwm) Sida ugu sareysa u labisan yahay, askarta waardiyeyneesa waxay u labisan yihiin si Alle xaalkeeda ogyahay.

Marka askarigu qof kuu ilaalinayay galo maqaayad qaali ah isagana uu banaanka kuharo oo in biyo qaboow banaanka loogu keeno iska daaye aanan xitaa hadhoow qado doono ladhihin baahina kugula joogo.

Marka Shacabka Iyo mas’uuliyiinta la wax yeeleeyo ama la weeraro askarta Soomaaliyeed dhaqsi ayey ugu gurmadaan difaacooda hadii ay meeshaas wax yeelo kasoo gaarto askarigana Dowlada iska daaye xitaa shacabki uu difaacayay madaba kacaan umana mahadceliyaan.

Askariga Soomaaliyeed, marka aad ku kulantaan goobaha ay shaqada ammaan Ka hayaan, waxaad fahmeysaa inuusan maskixiyan fiyoobeyn oo buuuq k ufuran yahay ama isku filneyn (Qaan-Gaar ahayn).

Waaa su’aaale Askariga xaalkaas kusugan Amniga dal argagixiso ku habsatay ma sugi karaaa hadaan asiga laga fakarin xaalka uu ku sugan yahay Marka hore?

NB: waxaan qoraalada qaar kasoo xigtay Counsellor Karim De Karshe halka Kuwa kalana aan aniga kudaray.

W/Q: Abdirahman Adan Osman
- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Guddiga Doorashooyinka Qaran oo doortay Guddoomiye iyo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray

Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.Guddoomiyaha Guddiga ayey xubnaha si gacantaag...

Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Xalay ay magacaabeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh...

Magacyada Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee la magacaabay, laguna qeybiyay 4.5

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan degdega oo a ku ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.Guddigan oo...

Axmed Madoobe oo lagu dhawaaqay in mar kale loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kadib doorasho muran badan dhalisay oo ka dhacday magaalada Kismaayo.Guddoomiyaha...

Mucaaradka Jubbaland oo Senator u dooray Madaxweyne iyo Iska hor imaad ka dhacay Kismaayo

Kooxaha Mucaaradka maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay inay Madaxweyne u doorteen Senator Ilyaas Badal Gaboose.Doorashadan ayaa barbar socota qabanqaabada...

Maxkamadda Denbiyadda ICC oo soo saaray Amar lagu soo xirayo Madaxda Yuhuudda

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Caalamka (ICC) ayaa maanta ah soo saartay Amar lagu soo xirayo Ra’iisul wasaaraha Yuhuudda enjamin Netanyahu iyo wasiirkii...

Safiirka Denmark ee Somaliya oo Cudurdaar ka bixiyay Hadal uu ka sheegay Hargeysa

Safiirka Denmark ee Somalia Steen Sonne Andersen ayaa soo saaray qoraal uu ku caddeeyay inay Dowladda Danmark ixtiraameyso Midnimada Dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya iyo...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you