Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegaya in askari Boolis ah uu rasaas ku furay Bas ay la socdeen Dalxiisayaal Yuhuud ah oo ku sugnaa magaalada Scandaria ee dalka Masar.
Askariga reer Masar ayaa la sheegay inuu Qorigii uu lahaa lasoo baxay, kadibna uu rasaas ooda uga qaaday dalxiisayaasha Yuhuudda ah ee ku sugnaa magaalada Scandaria.
Laba qof oo Yuhuud ah ayaa dhintay, waxaana dhaawacmay tiro kale, iyadoo wararku sheegayaan in markii danbe la qabtay askariga Booliska ah ee falkan ku dhaqaaqay.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Marinka Gaza ee dhulka Falastiin uu ka socdo dagaal culus oo dhex maraya dagaalyahannada muqaawamada Falastiin iyo ciidamada Yuhuudd.a