Sunday, May 25, 2025

Askari lagu helay Dilka walaallihii Zakariye iyo Sowdo oo Toogasho ah lagu xukumay (Daawo)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo saartay xukunka dacwadda kiiska dilka ahaa ee loo geystay ladbadii walaallo ee Sakariya Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo oo ahaa laba Ruux oo Walaalo ah oo 2-dii Disembar 2021 lagu dilay Isgoyska Dabka ee Muqdisho.

Falka dilka ah oo xilli habeen ah dhacay ayaa lagu helay laba Askari oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan(Keenadiid), halka askari kale Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu eedeeyay inuu rasaas furay.

Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay raggaas inay si ku talo gal ah rasaas ugu fureen dad ku sugnaa Isgoyska Dabka, xilli goobta ay aheyd mid masqhuul badan, iyaga oo dalbaday in eedeysanayaasha lagu rido xukun u dhigma dambiga ay gyusteen.

Ad

Guddoomiyaha Maxkamadda Dajawada koowaad ee Ciidamada wlaabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ayaa maanta ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, iyadoo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan lagu xukunay Dil toogasho ah oo qisaastii Sakariye iyo Sowdo, halka Dayax Nuur Cabdi Aadan oo lagu xukumay hal sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay rasaas uu furay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON