Saturday, April 20, 2024

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo Toogasho lagu fuliyey Xarardheere

Dil toogasho ah ayaa lagu fuliyay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo hore fal dil ah ugu geystay askari kale, falkaaso oo ka dhacay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini) ayaa manata lagu toogtay degmada Xarardheere, kadib markii maxkamadda wareegtada ciidamada ay dil ku xukuntay, iyado lagu helay inuu si bareer ah u dilay Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay ciidamada ka wada tirsanaayeen 11-kii September 2023.

Askariga dilka lagu fuliyay ayaa lagu soo eedeeyay inuu rasaas ku dhex ridayay shacabka, isagoo isticmaalay daroogo, wuxuuna dilka geystay markii askariga marxuumka ah uu ka dalbaday inuu joojiyo rasaasta uu ku ridayo magaalada.

Ad

Markhaatiyaal la hor keenay Maxkamadda wareegta oo gaartay Xarardheere ayaa ku caddeeyay sida uu dilka bareerka ah u geystay bartamaha Xarardheere, isagoo rasaas madaxa uga furay askarigii uu dilay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON