Sida ay sheegeen wararka laga helayo magaalada Muqdisho askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa toogasho afsaar ah ku dilay darawalka Mooto bajaaj uu la socday.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxayna dad goobjoogayaal ah sheegeen in askariga oo soo kireystay Mootada uu muran dhex maray darawalka Mootada, iyadoo isku maandhaafay lacagta lagu soo qaaday askariga, kadibna uu rasaas ku furay askariga, taasoo keentay inuu geeriyooday darawalkii.
Askarigii dilka geystay ayaa degdeg uga baxsaday goobta uu dilka ka fuliyey, waxaana markii danbe goobta tegay ciidamada amniga. Falkan ayaa ka mida tacadiyada joogtada ah ee ciidamada dowladda ku hayaan dadka shacabka ah siiba Mooto Bajaajleyda.