Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in degmada Jalalaqsi lagu dilay askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda dalka Jabuuti kadib qarax haleelay miino dhulka lagu aasay.
Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka magaalada Jalalaqsi, iyadoo askariga Jabuutiyaanka ah uu la socday Gaariga miiinada qabsatay uu ku dhaawacmay, kadibna u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxa.
Gaariga miinada la qaraxday ayaa ku sii jeeday magaalada Jalalaqsi isagoo ka tegey saldhig ay ciidamada Jabuti ku leeyihiin duleedka magaalada, waxaana ku dhaawacmay askar kale.
Alshabaab ayaa si weyn u kordhiyay qaraxyada loo adeegsado miinada, waxaana qaraxan ka dhacay Jalalaqsi uu ku soo beegmay iyadoo degmada loo magacaabay maamul cusub.