Askari ka tirsan ciidamada dalka Thailand ayaa si dad badan laayey, kuwo kalena dhaawacay markii uu si aan kala sooc lahayn rasaas ooda uga qaaday dad ku sugnaa magaalada Nakhon Ratchasima oo sidoo kale loo yaqaan Korat.
Booliska ayaa sheegay in 17 qof uu dilay askarigaasi, isla markaasina uu dhaawacay dad aad u fara badan, wuxuuna si toos ah u soo galay baraha bulshada markii intii uu toogashada waday. Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Thailand ayaa sheegay in askariga oo lagu magacaabo Jakraphanth Thomma uu markii hore weerar ku qaaday taliyihiisa oo uu dilay isaga iyo laba askari oo kale, kadibna uu qori ay rasaas ka buuxdo ka xaday xerada.
Askarigan ayaa kadib rasaas ku furay goob ay wax ku caabudaan dadka Budiistaha ah ee dalkaasi iyo goob suuq ah oo laga dukaameysto bartamaha magaalada oo ku taalla waqooyi Bari ee dalk Thailand.
Askariga ayaa weli baxsad ah iyadoo la raadinayo, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey muuqaallada askariga oo rasaas toos ugu ridaya dadweyne ku sugnaa degmada Muang, halkaasoo dadku ku kala cararreen.





