Friday, March 28, 2025

Askari 6 qof ku dilay Isgoyska Siinaay iyo Askar kale oo Dil Toogasho lagu xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday askartii ka dambeysay weerarkii Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ka dhacay 27-kii Bishii Febaraayo 2023.

Weerarkaas oo lagu qaaday Gaari iyo ilaalo uu watay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud Fargax ayaa ku dhintay dad fara badan oo Askar iyo shacab isugu jira, waxaana ku dhawacay tiro kale.

Askariga Koowaad: Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, isagoo lag helay inuu Qoriga Dhashiikah ah ku dilay lix Ruux oo ay ka mid ahaayeen:

Ad

1- Ilhaan Cabdijamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh

2- cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari

3- Ilyaas Axmed Nuur

- Advertisement -

4- Ayuub Daa’uud Xuseen

5- Cabdikhadar Maxamed Xuseen

6-  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajta.

Sidoo kale Denbiilayaash kala ah: Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, kadib markii Maxkamaddu ku heshay inay dileen marxuumiinta kala ah:

- Advertisement -

1- Cabdullaahi Maxamuud Huubleey

2- iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Dhinaca kale Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min 5 Sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxay sidoo kale min 3 Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Amar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale sii deysay Axmed Cali Axmed Maxamuud (Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON