Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay askar ka tirsan ciidamada Milateriga oo lagu dilay Dil bareer ah, Afduub iyo Burcadinmo.
Askartan oo kala ah: Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow), Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi ayaa lagu helay eeda ah inay wadajir u dileen Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday 18 Sano jir ah 10-kii April 2024.
Dilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Garasbaaley iyo Deyniile, waxaana Askartan eedeysanayaasha ah oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ay rasaas ku fireen Gaari uu la socday Marxuumka.
Waxaa kaloo askartan lagu helay inay afduubteen kula kaceen C/wahaab Siyaad Jamaal oo Darawal Gaari NOAH , kaasoo ay u adeegsadaan inay ku hor jaraan Gaariga uu marxuumka uu saarnaa oo ahaa nooca Probox.
Dacwadan ayaa ugu danbeyn Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka ka soo saaray xukunka soo socda: Ex. Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) iyo Ex. Dable NISA Cabdi Axmed Cadow Axmed waxaa lagu xukuamay Dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq. Dhinaca akle Ex. Dable NISA Farxaan Aadan Nuur Cilmi waxaa isna lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah.