Ciidamado ka tirsan Daraawiishta Puntland oo magaalada Bosaaso tegay markii ay banneeyen aagaggii ay difaaca uga jireen ayaa ku biiray ciidamada gadoodsan ee PSF.
Xarunta ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso ayaa lagu soo bandhigey ciidamo Daraawiisha Puntland oo gaaraya ku dhowaad 100 askari, waxayna sheegeen inay ka soo baxeen difaacyada dowladda Puntland ku ogeyd una wareegeen PSF.
Waxay ku eedeeyeen in la doonayey in ay dagaal la galaan ciidamada PSF, tasoo ay ka horjeesteen, iyagoo sheegay in ciidamada PSF ay isku difaac ku jireen, ayna leeyihiin hal caddow.
Waxaa sii kordheysa xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso, kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamada PSF-ta oo diiday xil ka qaadis uu madaxweynha Puntland Siciid C/llaahi Deni ku sameeyay agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
Boosaaso ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada ciidan oo sii xoogaysanaya, waxaana cabsi laga qabaa in dhinacyada diyargarowga ku jira ay xilli kasta isku dhacaan.
