Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Lix askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku dhinteen Qarax Miino oo lala beegsaday kolonyo ay al socdeen galbinaysay oo ku socotay Garoonka Ballidoogle oo ah xero weyn oo ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka fadhiyaan.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in askarta dhimatay ay la socdeen Gaari korka ka furan, waxaana uu marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn, iyadoo ku sii jeeday saldhigga Balidoogle markii Miino leh ay ku qaraxday.
Burbur xoog leh ayaa soo gaaray gaariga qarax haleelay, waxaana meydadka askarta halkaasi ka qaaday ciidamadii kale ee la socday, waxaana qaraxan uu ahaa kii labaad oo miino loo adeegsado oo ka dhacay maanta jidka isku xira Muqdisho-Afgooye iyo Balidoogle.
Qarax kale ayaa maanta ka dhacay Gaari ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana ku dhaawacmay sarkaal iyo askar ilaalo u ahayd.