Taliska ciidamada Booliska ayaa war kasoo saaray askar ka tirsan ciidamada nabadgelyada Wadooyinka oo muquaal qarsoodi ah laga baahiyey iyadoo ku xadgudbaya oo garacaaya Muwaadin baahiyaha gaarka qaba oo dacwad ugu tegay.
Dhacdadan oo xarunta taraafikada ka dhacday bishii April ayaa muuqaalkeeda la baahiyey xalay, mana jirin wax talaabo ah oo loo qaaday mudadaasi, balse markii muuqaalka CCTV uu si weyn ugu baahay baraha bulshada, isla markaana fal celin badan ay bulshadu ka bixisay ayuu Taliska Booliska soo saaray qoraalka hoose, isagoo sheegay in la xiray askartii falkaasi ku lug lahayd.
AKHRISO QORAALKA
“03/Jun/2023, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa xalay 02/Jun/2023 abaare 19:30 PM fiidkii wxuu ka warhelay muuqaal ku baahay Baraha Bulshada, kaas oo ku saabsanaa xadgudub ay xubno ka tirsan Qeybta Nabadgalyada Wadooyinka (Taraafiko) ay gudaha Xarunta u geysanayeen qof muwaadin ah oo u muuqday inuu baahiyaha gaarka ah qabo. Xubnihii falkaas sida tooska aha ugu lug lahaa, ayaa hada xiran waaxaan ku socota baaris la xariirta dhacdada.
Taliska Ciidanka Boliiska oo dhowraya Sharciga Dhismaha Ciidanka ee ‘’Sharci Lam 2 ee Dec 1973 iyo Xeer Lam 14 ee Dec 1974. islamarkaana, ka xun dhacdadaas ka fog anshaxa, Akhlaaqad iyo Khayimka Boliisnimo oo uu ku dhisanyahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Ummadda Soomaaliyeed u cadeynaynaa in xubnihii falkaas ku kacay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u wajihidoonaan Maxkamada Awooda u leh si ay u cadaalad maraan“.