Sunday, January 26, 2025

Askar Canshuur-qaadayaal ahaa oo lagu laayey duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada dowladda, siiba kuwa qaada canshuurta qaada lagu laayey duleedka Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa Galabta Saddex askari ka tirsan ciidamadan ku laayey deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen howlgallo lagu sugayo amniga oo dad badan lagu soo qabtay.

Askarta la dilay ayaa dadka degaanka ay sheegeen in lagu dilay bartamaha suuqa Ceelasha Biyaha, iyagoo xiliga la dilay ku howlanaayeen canshuur qaadis, waxaana baxsaday dableydii dilkaasi geysatay.

Ad

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, waxayna halkaasi ka qaadeen Meydadka askarta la dilay, iyadoo aan wax war ahi kasoo bixin hay’adaha amniga dowladda Somalia.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON