Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo warbixinta Amniga iyo howlgallada ka socda Muqdisho ka hadashay aya sheegay inay jiraan askar loo qabtay musuq oo ka tirsan ciidamada Booliska.
Shirka jaraa’id ee galablaha ah ayey ku shegtay in 23 askari oo ka tirsan ciidamada Booliska loo xiray arrimo ku saabsan musuqmaasuq, iyadoo howlgalka uu barbar socdo mid anshax oo lagu kormeerayo ciidamada sida ay sheegtay.
Dhinaca kale taliye ku xigeenka Booliska Zakiya ayaa ka warbixisay Gaari Mini-Bus (Caasi) ah oo lagu xayiray Isgoyska Sanca isagoo Hilib u siday Suuqa Xamarweyne, waxayna sheegtay in gaariga uu diiday in la baaro, iyadoo laga shakiyey, iskuna dayey inuu laaluusho ciidamada, kadibna loogu yeeray ciidamada Miino baarista.
Dadka ayey ka codsaday inay taageeraan ciidamada howlgalka wada, iyadoo ku boorisay inay u dulqaataan xayiraadda wadooyinka saaran.
HOOS KA DAAWO