Agaamisaha Hab-maamuuska oo Farmaajo uga hortegay Garoonka Magaalada Doha ee dalka Qatar..!
Madaxweynaha xilka sii haya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, safar ay shaacisay warbaahinta dowlada Dalkaasi.
Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dooxa kusoo dhoweeyay Agaasimaha Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar, Ibraahim Yuusuf Fakhro iyo Safiirka dalka Qatar u jooga Soomaaliya Xasan bin Xamza Haashem, Waxaa kaloo garoonka ku sugnaa safiirka Soomaaliya C/risaaq Faarax Cali.
Kulanka ay Berri yeelan doonaan Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar ayaa xogta la helay sheegeysaa in arrinta ugu weyn ee looga hadlayo ay tahay Doorashada Soomaaliya iyo taageerada Dowladda Qatar siineyso sidii dib loogu dooran lahaa Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wakaalada wararka Dalka Qatar ayaa qortay inay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimaha Gobolka, laakiin Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in wadahadalku ku saabsan yahay xiriirka labada dal oo ay ku tilmaantay mid miro dhal ah.
Safarka Farmaajo ee dalka Qatar ayaa yimid xilli xasaasi ah oo Doorashada golaha shacabka ay gabagabo tahay, waxaana Farmaajo uu lacago badan ku bixiyey inuu soo saarto xildhibaanno uu doonayo inay ka caawiyaan dib u doorashadiisa oo dad badan u arkaan mid aan suuragal ahayn.