Saturday, May 17, 2025

Arrin cusub oo Alshabaab ka sameysay Degaanka Qaayib (Qarxinta xaruntii Hormuud..)

Faahfaahin cusub ayaa laga helay dagaalkii degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, kaasoo qasaare badan dhaliyey, kadib weerar Alshabaab ku qaaday degaankaasi oo dhowaan farahooda laga bixiyay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed shire Falagle ayaa sheegay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Qaayib dib loo waabiyey, qasaare xoog lehna lagu gaarsiiyey.

Wuxuu intaas ku daray in weerarku ahaa mid culus, ayna filayaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada degaanka oo ay si weyn isaga difaaceen weerarkii qasaaraha dhinacooda uu 5 qof yahay, inta meydadkooda la keenay gudaha magaalada ay gaareen 5, dhaawacuna gaarayo 9 qof.

Ad

Alshabaab ayaa sameeyay arrin aan hore loo arag oo cusub, taasoo ah inay Gaari aanay xabbadu karin oo bulletproof ah ay qaraxyo kasoo buuxiyeen, rasaastii lagu ridayna waxba ka qaadi weyday, ayna ku dhufteen xaruntii shirkadda Hormuud iyo Gaari halkaas yaallay o odagaal.

Xarunta Isgaarsiinta Hormuud ee degaanka Qaayin ayey tahay marki ilabad ee ay Alshabaab burburiyaan, kadib dayactir lagu sameeyay, iyadoo ujeedu ahaa in degankaasi laga waayo isgaarsiinta.

Dhinaca Alshabaab Afhayeenkooda howlgallada C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay qabsaden degaanka Qaayib ayna ku dileen 37 qof oo ay ku jiraan 3 sarkaal, isla markaana ay gacanta ku dhignay hub iyo saanad, gaadiidka la gubay ama lagu qabsaday dagaalkana ay gaarayaan 9 Gaari.

- Advertisement -

Wasiir Falagle ayaa beeniyay in sheegashada Alshabaab ee ah inay Gawaari ku qabsadeen dagaalka Qaayib, iyadoo aan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON