Arday Soomaali ah oo wax ka barta dalka Pakistan ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay cabasho ku saabsan shil qabsaday, iyadoo uu dhaliil u jeediyay safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakisatan.
Ardaygan oo lagu magacaabo Cali Cabdisamad ayaa ku gubtay Gaas ku qarxay, waxaana dhaawac kasoo gaaray gacmaha iyo wejiga, isagoo sheegay in safiiradda Soomaaliya u joogta Pakistan Khadiija Maxamed Almakhzuumi ay markii hore telefoonka ka qabatay, balanqaadna u sameysay, balse markii danbe ay telefoonada ka qaban weysay, kuna jarto mar waliba.
Wuxuu baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo si toos ah u soo bandhigay in telefoonka safiiradda uu is jarayo markii uu wacay, wuxuuna sheegay in safiiradda ay dhibaato weyn ku heyso Soomaalida ku dhaqan dalka Pakistan, wax adeeg ahna aysan u sameynin.
Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Safaaradda oo jawaab ahaa ayaa lagu sheegay inay ka war hayaan xaaladda Cali C/samad, isla markaana isbitaalka ku booqatay.
https://www.facebook.com/aliabdisamad/videos/2197922806932294/